Puntland iyo Jubbaland oo gudbiyay xubnaha ku matalay Guddiyada Doorashooyinka

Dowladaha  Puntland, iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u gudbiyay liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya  Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kaas oo amba qaadaya howlaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Deni ayaa gudbiyay Afar xubnood oo ku kala matalaya Puntland Labada Guddi, kuwaas kasoo kala jeeda Gobalada Mudug, Bari, Sool iyo Sanaag, halka Madaxweynaha Dowladda Jubbaland uu gudbiyay laba  xubnood oo katirsanaa Guddigiisii doorashooyinka ee maareeyey dib u doorashadiisii.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay xubnaha ku matalaya Labada Guddi ee doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka ay gudbiyeen Puntland, Jubbaland, iyo Koonfur Galbeed, sidoo kalena maanta la sugayo inay dhankooda soo gudbiyaan Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle.