VIDEO: Puntland oo bilaabaysa dhismaha Wadada Gaalkacyo & Garoowe

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta iyo wasiirka howlaha guud ee Puntland ayaa kormeer ku sameeyey wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe taas oo dhismeheeda dhawaan la bilaabi doono.

Wafdiga wasiiradda oo ay kamid yihiin Engineero ayaa mudo dhan labo usbuuc qiimayn ku samayn doona qaab dhismeedka ku haboon ee wada loo dhisayo, waxaana mashruucaan iska kaashanaya dowladda Puntland Hay’adda UNOPS.

Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland Axmed Bashiir Muuse iyo Wasiirka Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland Cabdi qafaar Cilmi Xaange ayaa si isku mid ah u sheegay in sanadka cusub uu bilaami doono dhismaha waddaada isku xidha Gaalkacyo iyo Garowe.