Puntland oo Badhan ka hirgalisay xarun lagu baaro COVID-19 (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ka furtay xaruntii 4-aad ee lagu baarayo xanuunka COVID-19, kaas oo lagu baari doonaa Dadka looga shakiyo cudurka ee kunool Gobalada Sanaag iyo Heylaan.

Shaybaarkaan ayaa meesha ka saari doona in dadka ku nool goboladaasi ay baaritaano usoo doontaan gobolada uu ka furan yahay.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa horey Sheybaaro uga hirgalisay Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo oo xarumo u ah Gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug. Wasaaradda ayaana qorsheynaysa inay xarumo cusub ka furto Gobolada kale Puntland.