Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa gudbiyay 4 xubnood ee Galmudug ku matalaysa Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
QoorQoor ayaa Guddiga Doorashooyinka heer Federaal u diray Liibaan Axmed Xasan iyo Cabdicaziiz Cabdiraxmaan Yuusuf, halka xubnaha Guddiga Xalinta khilaafaadka uu sheegay inay Galmudug ku matali doonaan Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustafe Macalin Cali Salaad.