Taliyaha Ciidammada Itoobiya “Waxaan howlgalinaynaa Ciidanka Badda”

Taliyaha guud ee Ciidammada Itoobiya Jeneral Aadam Maxamed ayaa sheegay inay Dawladda Itoobiya hawl-gelinayso Ciidanka badda.

Taliyaha oo Shir-jaraa’id qabtay wuxuu sheegay inay Itoobiya markii ugu horraysay hawl-gelinayso Ciidammadeeda Badda iyadoon bad lahayn, waxaanu sheegay inay Ciidammadaasi ka hawl-galayaan dalalka deriska, laakiin ma Xusin Dal gaar ah oo ay Ciidammadu saldhig ka dhiganayaan.

Waxa kale oo uu Taliyuhu in Ciidammada Itoobiya lagu soo kordhiyey laba Guuto oo cusub