Ciidanka PSF-ta Puntland oo gacanta ku dhigay Doonyo laga lee yahay Yemen (Sawirro)

Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Dowladda Puntland ayaa hawlgal dhanka badda ah ka fuliyeen xeebaha Laasqoray, Ceelaayo iyo Cadcado.

Howlgaladan ayaa ujeedkoodu ahaa ka hortaga kooxo doonayay in ay hub si sharci darro ah uga soo dejiyaan xeebahaas oo ay Ciidanka PSF heleen xogtooda.

Ciidanka PSF Puntland ayaa intii howlgalku socda gacanta ku dhigay doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga lee yahay waddanka Yemen, iyagoona ku sameeyay baaris.