Kalafadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland oo berrito furmaya

Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inuu furmo maalinimada berrito oo axad ah, iyadoona uu furi doono Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa furitaanka Kalafadhiga ka jeedin doona khudbadiisa Dastuuriga ah, taas oo uu uga hadli doono arrimo ay kamid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, Amniga, Sicir bararka hareerayay Suuqyada Puntland iyo Waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii u dhexeysay Labada Kalafadhi.