Madaxweyne Deni oo u socdaalaya Dalka Itoobiya, & Ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda u socdaalo Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa la xariira xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan Arrimaha Amniga iyo Hormarinta Ganacsiga, isagoona la kulmi doona Madaxda ugu sareysa ee Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa berri furi doona Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiiladda Puntland, waxaana uu ka jeedin doonaa khudbadiisa Dastuuriga aheyd, taas oo uu diirada ku saari doono Xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka iyo Guulaha Xukuumadiisu ay gaartay mudadii u dhaxeysay Labada kalafadhi.