Musharax Xildhibaan Cabdifitaax Sugulle oo kormeeray dhismaha Isbitaalka Gaalkacyo (VIDEO)

Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka BJFS Cabdifitaax Maxamed Sugulle, oo kamid ah Guddiga dib-u-dhiska Hospitalka Gaalkacyo ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha Isbitaalka Guud Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, waxaa kormeer ku waheliyay Agaasimaha Guud Isbitaalka Dr. Maxamed Xuseen iyo Madaxa Shirkada isbitaalka dhisaysa Cali Dhoof.

Shaqada dhismaha isbitaalka Gaalkacyo ayaa maraysa marxalad gabogabo ah, iyadoona la filayo inuu dhowaan soo gaba-gaboobo.

Cabdifitaax Sugulle ayaa waxyaabo badan kasoo qabtay arimaha bulshada, sida Dayirtirka Layrarka Cadceeda Gaalkacyo, Dhismaha Hospitalka,
Dhismaha xarunta Nabadda Haweenka gobalka, ka qayb qaadashada Shirkii bandiiradlay arimaha Nabada iyo isdhexgalka Puntland iyo Galmudug.