Shirka soo bandhigida wax ka badalka Sharciga cusub Dowladaha Hoose Puntland oo ka furmay Garoowe (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ay wehlinayaan  Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha Guud ayaa magaalada Garoowe ka daah-furay Shir looga hadlayo soo bandhigida wax ka badalka Sharciga cusub Dowladaha Hoose ee Law Number-7, xoojinta Nidaamka wada shaqeynta Maamulada Gobalada iyo Degmooyinka, iyo soo-jeedinta qorshaha fog ee Machadka Dowladdaha Hoose(LGI).

Shirka oo socon doonaa muddo 7-Cisho ah, ayaa waxaa ka qeyb-galaya qaar kamida Gudoomiyaasha Degmooyinka, Gobaladda, Xoghayaasha Dawladdaha Hoose, Iskuduwayaasha Gobalada, Masuuliyiin kasocotay Machadka Dowladdaha Hoose, Gudoomiyaha Haayadda Maamul wanaaga Puntland, Bahwadaagta Wasaaradda, iyo La-tiyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo daah-furay Shirka ayaa sheegay in dhawaan Wasaaraddu qaybin doonta sharciga cusub ee Dowladaha Hoose ee law-7, ayadoona la gaarsiin doono dhammaan Gobalada iyo Degmooyinka Puntland.