VIDEO: Wafti ka socda Koonfur Galbeed oo soo gaaray Garoowe

Wefti ka socday Baarlamanka Maamulka Koofur-Galbeed oo uu hogaaminayey Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Nuur Macalin, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyagoona ka qeyb-galaya Furitaanka Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, oo ay wehliyaan Xildhibaano katirsan Golaha ayaa kusoo dhaweeyay Waftigan Garoonka diyaaradaha Garoowe, Isagoona sheegay socdaalkoodu uu qayb ka yahay iskaashiga labada Baarlamanka ee Puntland iyo Koofur-Galbeed.