Xildhibaanada Golaha Shacabka oo codka kalsoonida ah u qaadaya Xukuumadda cusub

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24/10/2020 lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay saacadihii lasoo dhaafay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada.