Booliska Puntland oo ka hadlay fal arxan-darro ah oo ka dhacay Boosaaso (VIDEO)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo maanta booqday Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay Meydka Gabar yar oo dil loogu geystay Boosaaso, isagoona sheegay inay socdaan baaritaan lagu daba-joogo kooxihii falkan geystay.