Deni oo la kulmay Wafti ka socda Koonfur Galbeed (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo wafdi uu hoggoominayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo labada guddoomiye ku-xigeen iyo xubno ka mid ah wafdiga ka socda guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed.