Kalafadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmaya

Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilladd Dowladda Puntland ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe, iyadoona uu furi doono Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa u jeedin doona Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland khudbafiisa Dastuuriga ah, taas oo uu diirada ku saari doono xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, Amniga Puntland iyo waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa mudadii u dhexeysay Labada Kalafadhi.