LIVE: Kalafadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland oo goor-dhow furmaya

Kalafadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilladd Dowladda Puntland ayaa maanta furmaya, iyadoona Hoolka Baarlamaanka ee Garoowe ay ka socoto Munaasabadda furitaanka Kalafadhiga, waxaana ku sugan Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo goor-dhaw jeedin doona khudbadiisa Dastuuriga ah.