Meydka Gabar yar oo Kufsi iyo Dil loo heystay oo yaalla Isbitaalka Boosaaso (Sawirro)

Cisbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari waxaa maalintii labaad yaala Meydka gabar da’deeda lagu qiyaaso 14 sano Jir taasoo shalay laga soo qaaday xaafada Raf iyo Raaxo agagaarka halka loo yaqaano Balbala weyn.

Boqolaal dadweyne ah ayaa buuxdhaafiyay Cisbitaalka waxaana wali la la’yahay ehelada iyo waalidiinta dhalay gabadhan yar inkastoo waalidiin ay caruuro ka maqan yihiin ay joogaan cisbitaalka.

Dowladda Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadan, iyadoona Boolisku ku Howlan yihiin sidii loo heli lahaa Ehelada gabadhan ee loo dilay sida arxan darada ah.