Sanaag: Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan muhiim ah

Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegay Deegaanka lagu magacaabo Gurya-samo oo ku yaalla duleedka Degmada Laas-qoray ee Gobolka Sanaag, iyagoona sameystay dhufaysyo Ciidan.

Degaanka Al-shabaab la wareegtay ee Gurya-samo, waa dhul istiraatiiji ah, oo ka tirsan Buuraleyda Calmadow, kaas oo marin u ah Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Deegaanka la wareegay oo tiradoodu gaareyso 50 dagaalame, ayaa Deegaanka ka sameeyay howlgallo ay ku sheegeen xaqiijinta Amniga, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Al-shabaab ayaa haatan u muuqda kuwa xoogga saaraya dhinaca Gobolka Sanaag, kadib markii ay culays kala kulmeen hawlgallada Ciidamada Difaaca Puntland ka wadaan Buuraleyda Gobolka Bari.