VIDEO: Erdogan oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Faransiiska

Madaxweyanaha Turkiga Rajib Tayyib Erdogan oo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbigiisa kula hadlayay magaalada Keysari ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Faransiiska, wuxuu yiri; “Macron wuxuu u baahan yahay daawo dhanka maskaxda ah. Maxaa kale oo dhihi karnaa madax dowladeed oo aan fahmin xorriyadda caqiidada u dhaqmayana sidan. malaayiin dad oo diimo kala duwan ah ayaa ku nool waddankiisa, waa in ugu horreyn sameeyaa xakameyn dhanka maskaxda”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayuu ku yiri madaxweynaha Faransiiska sidan;

“Mashquulka Erdogan waxba kaama soo galayo. Waxaad hal sano kadib geli doontaa doorasho. Waxaan arki doonnaa halka ay ku dambeyn doonto doorashada. Uma maleynayo in jidkaagu aad u fog yahay”

Erdoğan ayaa dhanka kale cambaareeyay xiritaanka ay dowladda Jarmalka xirtay Masjid ay ku cibaadeysanayeen boqolaal Muslimiin ah, Erdoğan wuxuu sheegay in Booliska dalkaas ay si ixtiraam darro ah ula dhaqmeen Muslimiintii halkaa ku cibaadeysanayay,

Wuxuu sheegay madaxweynaha ka Islaam ahaan in aysan ka suuragelin dhankiisa in ay weeraraan ama xiraan goobaha ay ku cibaadeystaan dadka aan Islaamka aheyn, wuxuu ugu baaqay wadamada Yurub in ay joojiyaan cadaadiska ay ku hayaan Islaamka.

Waxaan sii wadi doonnaa difaaca xuquuqda lexda Milyan ee muwaaadiniinta Turkiga ee ku nool wadamada Yurub iyo guud ahaan Islaamka ayuu yiri madaxweynaha.