C/llaahi Salaad Wayrax oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Xildhibaan (Sawirro)

C/llaahi Salaad Wayrax, ayaa Munaasabad ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland kusoo bandhigay inuu yahay Musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda oo aheyd mid balaaran ayaa waxaa kasoo qeyb-galay, Nabaddoono, Waxgarad, Ganacsato, Siyaasiyiin, Aqoonyaho, Dhalinyaro iyo Haween, Qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb-galay Xafladda ayaana soo dhaweeyay Musharaxnimada C/llaahi Wayrax, iyagoona sheegay inuu kamid yahay shaqsiyaadka mudan inay matalaan Puntland iyo Shacabkeeda.

Musharax Xildhibaan C/llaahi Salaad Wayrax, oo Munaasabadda ka jeediyay khudbad ayaa ku dheeraday hadafkiisa ku aadan wax ka qabashada Deegaanka hadii alle ku guuleysiiyo xilka, isagoona mahad-celin u jeediyay Bulshada Puntland, gaar ahaan kuwa Gobalka Nugaal oo muujiyay taageero balaaran.

Dhanka kale, Musharax Xildhibaan C/llaahi Salaad Wayrax ayaa ka qeyb-galay Munaasabad balaaran oo ay Beesha Muuse Ciise Maxamuud ku qabatay Magaalada Garoowe, taas oo ayna ku shaacinaysa adkeynta wax qeybsiga iyo in Ruux mar matalay Beesha uusan mar dambe ku soo laaban doonin kursiga.