Cabdifitaax Sugulle oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Xildhibaan (Sawirro)

Cabdifitaax Maxamed Sugulle, ayaa Munaasabad ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ku shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Nabaddoono, Waxgarad, Aqoonyahano, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobalka Mudug.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb-galay Munaasabadda ayaa soo dhaweeyay Musharaxnimada Xildhibaan ee Mudane Cabdifitaax Maxamed Sugulle, oo kamid ah haldoorka Reer Puntland ee gaar ahaan Gobalka Mudug ee waxa muuqday u qabtay Bulshadiisa.

Musharax Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Sugulle, oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa sheegay in musharaxnimadiisa ay timid kaddib markii uu arkay baahida Bulshadu u qabto matalaad dhab ah, isagoona sheegay in hadii uu ku guuleysto kursiga uu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahida Bulshada, gaar ahaan Adeega Bulshada, sida Nabad-gelyada, Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka.

Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa waxyaabo badan kasoo qabtay arimaha bulshada, sida Dayirtirka Layrarka Cadceeda Gaalkacyo, Dhismaha Hospitalka, dhismaha xarunta Nabadda Haweenka gobalka Mudug, ka qayb qaadashada Shirkii bandiiradlay arimaha Nabada iyo isdhexgalka Puntland iyo Galmudug.