Kulan looga hadlayo u diyaar-garowga doorashada Xildhibaanada BJFS oo ka dhacay Boosaaso (VIDEO)

ku simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Gobolka Bari Mudane Axmed Cali Cabdulaahi Ciro ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaano ka socday Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu horeyn si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Xafiiska Maamulka Gobolka Bari Xildhibaanadda, waxa uuna uga warbixiyay Xaaladda Amniga Iyo Hormarka Gobolka, sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyay u diyaar garowga Doorashadda 2020-2021 Ee lagu qabandoono Magaaladda Bosaaso Ee Gobolka Bari.

Kulanka kadib Xildhibaanadda ayaa kormeeray Guud ahaan Xarunta Maamulka Gobolka oo dib u dayac tir lagu sameeyay.