Madaxda Puntland maxay ka baqaan ?

Nin baa la yiri maanta firo (dabayl boor wadata) ayaa si xun magaalada uga dhacaysay.

Wuxuu yiri adigu mawaad u faruurnayd??

Adinku ma waad Garoowe u joogtaan?

Dhawr cisho ka hor maalintii Madaxwaynuhu soo degayay magaalada Garowe 8-saac ayay bandow oo kale ahayd shaqo sidaas ah ama ganacsina kama socon.

Shalay oo Madaxweynuhu khudbad Baarlammaanka ka jeedinayay waxay igu qaadatay muddo dheer iyo dhul dheer in aan ka wareego si aan u gaaro halkii aan u socday.

Maanta waa tan. Maxaa madaxda Soomaalida ka khaldan?

Dhibka shacabka iyo dhaqaalaha awalba darraa soo gaarayase iyo dakhliga lumaya yaa ka masuula?

Madaxweynaha ma aaminsani khatar ammaankiisa heerkaas gaarsiin kartaa in ay jirto.

Madaxweynaha kaliyana maaha ee ku xigeenkiisa Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka caado ayay u tahay in ay Garowe Baabuur Tekniko ah ku dhex maraan.

Waa la wada og yahay sida ay askartoodu shacabka Waddada maraya u dhibaan.

Maalmo ka hor Buundada,ayaa Baabuurta Axmed karaash iga tuuri gaareen kaddib markii,iyagoo Afar ah oo laba isagu saaran yahay labana ay Askar iyo qoryo waaweyn saaranyihiin iyagoo saf ballaaran usocda.

Dabcan Qoriga iyo caydu waa ka soo horreeyaan.

Saw ma habboona haddii ay dhab tahay in khatar ammaan oo intaas le’eg ay jirto in istaraatajiga socodkooda wax ka badalaan si aan shacabka iyo dhaqaalaha dhib uga soo gaarin?

Qiyaastayda arrintu amni kaliya maaha ee Puntland si xun bay u ilbaxday oo qoryo iyo “staff” ayaa la isugu faanaa.

Wixii wax garad ah Madaxda ha loo nasteexeeyo dalka iyo dadkana sida ha loo dhaamo.

WQ.Oday Reer Puntland.