Xildhibaan cusub oo ku biiray Baarlamaanka Puntland (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2-aad ee Golaha, oo uu Shir-guddoomiyey Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyadoona looga hadlay soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub iyo Ajandaha Kalfadhiga 47-aad.

Kulanka Xildhibaanada ayaa lagu hor dhaariyay Xildhibaan Ayuub Nuur Muuse( Riyaax), kaddib markii uu soo jeediyay Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada oo sheegay inuu buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan Qodobka 61- aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyey Ajandaha qabyada ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dasuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 8-aad faqrada 5-aad iyo Qodobkiisa 42-aad farqada 1-aad, waxaana lagu wadda in maalina berri ah si rasmi ah loo ansixiyo.