XOG-WARAN: Xukuumadda Madaxweyne Deni oo ku fashilantay xiriirka Dibedda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu dhaliilay inuu ku liito Xiriirka Puntland ay la lee dahay caalamka, gaar ahaan dalalka dariska ah oo ay Itoobiya ugu horeyso.

Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Reer Puntland ayaa si gaar ah ugu dhaliilay in Madaxweyne Deni 2 sanno kaddib uu la falgali la yahay Siyaasadda Itoobiya ee Oromadu hoggaamiso, ayna taas horseeday inay beylahaan fursado badan oo dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga ah oo Puntland heli laheyd.

Fashilka Maamulka Madaxweyne Deni ee Siyaasadda Dibedda ayaa loo sababeynayaan;

  1. Madaxweynaha oo aan aheyn nin ku wanaagsan xiriirka Dibedda.

2. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ah oo aan aheyn Nin shaqada Wasaaradda aan waxba ka aqoon, oo aan loogu talagelin.

3. Adeegsi la’aanta Haldoor reer Puntland, gaar ahaan Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ee ku fiican galgalka Diblomaasiyadeed.