VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo loo qeybiyay Ajandaha Kal-fadhiga 47-aad

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Ajandaha Rasmiga ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 42-aad, farqadiisa 4-aad.

Ajandaha loo qeybiyay Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo ka kooban 15 qodob, ayaa waxaa kamid ah Heshiiskii Dekedda Boosaaso ay kula wareegtay Shirkadda DP Arrimaha, dhaqaalaha iyo Sicir bararka, dhameystirka Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurika ah ee Dowladda Puntland iyo Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS.