Axmed Karaash oo Shir u soo xiray Guddoomiyayaasha Gobalada iyo Degmooyinka Puntland (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.

Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.