Hoos u dhac ku yimid tayada Waxbarashada Puntland iyo Jahwareer ka taagan dugsiyadda sare (Warbixin)

Hanaanka Waxbarasho ee deegaanada Puntland ayaa laga dareemayaa hoos u dhac weyn, kaddib musuq-maasuq hareeyay goobaha waxbarashada, kaas oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax, oo adeegsanaya sumada Wasiirka Wasaaradda C/llaahi Maxamed Xasan ayaa Isbedel ku sameeyay Maamuladii dugsiyadda sare ee deegaanada Puntland, gaar ahaan Iskuulada sida toos ah u hoostaga Wasaaradda, kuwaas oo ay kamid yihiin ‘Cumar Samatar (Gaalkacyo), Gambool (Garoowe), Sheekh Cusmaan (Qardho), iyo Boosaaso Public (Boosaaso).

Agaasimaha Guud ee W. W &T sare Maxamed Cali Faarax.

Isbedelada lagu sameeyay Maamulada iskuuladan iyo kuwa Degmooyinka ayaa la xariira dano dhaqaale oo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadu ka doonayo, iyadoona maamulayaasha cusub ee loo magacaabay iskuuladan uu mid walbaa Akoonka gaarka ah ee Agaasimaha guud kusoo shabo bil walba lacag cadadkeedu ka badan yahay illaa $1000 dollar, taas oo kamid ah lacagaha bisha ee laga qaado Arday, kuwaas oo sanad walba kordhin lagu sameeyo.

Sidoo kale, Isbedeladan ku qotoma dhaqaalaha ayaa sababay jahwareer ku yimid iskuuladan, sida is qabqabsi soo dhexgalay Maamulka cusub iyo Maclimiinta mudada dheer kasoo shaqeynayay iskuulada, kaas oo salka ku haya bedel uu la yimaado maamulaha cusub oo macalimiin gaar ah kala yimaada banaanka Iskuulka  iyo dhimis lagu sameeyo mushaarka uu macalinku qaadanayay.

Arday ku jirta Imtixaan – Iskuulka Gambool (Garoowe).

Jahwareerka ka taagan Iskuulada ay Wasaaraddu tooska u maamusho ee Dowladda oo uu ugu dambeeyo kan illaa hadda ka taagan dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe, ayaa sababay hoos ay u dhac ku yimid tayadii waxbarasho ee deegaanada Puntland, Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo ay gaartay cabashadan ayaana muhiimad siin wax ka qabashadeeda.

Idil News – Garoowe