Madaxweyne Deni oo kulamo ka wada Itoobiya, una sii gudbi doona Imaaraadka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Isniintii gaaray Dalka Itoobiya ayaa kulamo ka wada Magaalada Addis Ababa, kuwaas oo uu la lee yahay Masuuliyiinta dalkaas.

Kulamada ayaa badankood la xariira xoojinta Xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan Arrimaha Amniga iyo Ganacsiga, xilli ay Puntland suuq balaaran u raadinayso Dekedda dhismaheedu gaba-gabada marayo ee deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug, taas oo shaqo bilaabaysa sanadka cusub (2021).

Madaxweyne Deni ayaa maalinimada berrito ah u sii gudbi doona Dalka Imaaraadka Carabta, oo uu u tagi doono arrimo gaar ah, wallow wararka qaar ay sheegayaan inuu la kulmi doono Hoggaanka dalkaas oo ay ka wada-hadlayaan taageerada Imaaraadku uu siiyo Puntland, gaar ahaan dhinaca Amniga.