Puntland oo bixisay oo qeybtii labaad ee lacagtii ay ugu deeqday Garoonka Cawaale (Akhriso)

Dowladda Puntland ayaa bixisay qeybtii labaad ee qoondadii lacageed ay ugu talagashay dhismaha Garoonka Kubadda cagta Cawaale Stadium ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Qoraal ay baahiyeen maanta Guddiga u qareemida Garoonka Kubadda cagta Cawaale ee Gaalkacyo ayay ku sheegeen inay soo gaartay Lacag dhan $91,000 oo dollar oo ah qeybtii labaad ee qoondada lacagta Dowladda Puntland ay ku dartay dhismaha Garoonka, taas  oo dhameyd $190,000 oo dollar, uuna balanqaaday Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

“Gudiga dhismaha Garoonka Cawaale Staidum, waxay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane: Said Abdulaahi Deni uga mahadcelinayaan bixinta qoondadii lacageed ee dhamaystirka Garoonka Cawaale. maanta taarikhdu tahay 27-0ct-2020, waxaa nasoo gaartay qaybtii labaad
$91,000″ ayaa lagu yiri qoraal ay baahiyeen Guddigu.

10 bishii August ee sanadkan, ayaa aheyd markii Qeybta 1-aad ee lacagtan lagu wareejiyay Guddiga dhismaha Garoonka Cawaale Stadium, oo haatan maraya meel gaba-gabo ah.