XOG: Itoobiya oo dooneysa inay Puntland la wareegto gacan ku heynta Gobalka Sool

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxay Safarkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, uu ku tagay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, kaas oo ahaa mid aysan Madaxtooyadu shaacin ujeedkiisa.

Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in Madaxweyne Deni uu Casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, taas oo la xariirta Iskaashi cusub oo dhexmara Puntland iyo Itoobiya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Itoobiya ay doonayso in Puntland ay siiso Hub iyo dhaqaale, si ay ula wareegto Gobalka Sool, oo intiisa badan gacanta ugu jira Maamulka Somaliland. Madaxweyne Deni ayaana illaa hadda Addis Ababa kula kulmay Madaxda Hay’adaha Difaaca Itoobiya, sida Hay’adda Sirdoonka iyo Gaashaandhiga, waxaana saacadaha soo socda uu la kulmi doonaa Raiisul Wasaare Abiy Ahmed.

Talaabadan ayaa timid kaddib markii Itoobiya ay heshay xog sheegaysa in heshiis Milateri uu dhexmaray Somaliland iyo Masar oo xiisad kala dhexeyso Itoobiya, kaas oo dhigaya in Somaliland ay siiso Masar Saldhigyo Ciidan, oo Badda iyo dhulka ah.