Baarlamaanka Puntland oo kulan muhiim ah haatan leh

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 4-aad ee Kal-fadhigga 47-aad ee Golaha ku leh xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Ajandaha kulanka ayaa ah soo jeedinta Warbixinta Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland, mudadii u dhexeysa Labada kal-fadhi (46-aad & 47-aad) ee Golaha Wakiillada, taas oo uu jeedin doono Xoghayaha Guud Mudane. Cabdirisaaq Xiddig Warsame.