Bandow lagu soo rogay Degmada Caabud-waaq

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug  Cali Daahir Ciid  ayaa ku amray laamaha Amniga Galmudug in degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga  Gobolka Galgaduud uu Maanta ka dhaqan-galo Bandow inta laga xaqiijinayo Amniga Magaaladaas, kaddib dil ka dhacay.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale laamaha Ammaanka Galmudug waxaa uu faray inay gacanta kusoo dhigaan maleeshiyaadka hubeysan ee labada qof ee Shacabka ahaa saaka ku dilay degmada Cabudwaaq.

Taliyaha Qaybta Booliska  Gobolka Galgaduud Korneyl Dhagahoor ayaa  sheegay in  ay  ku raad jogaan dadkii dilkaasi ka dambeeyay, sidoo kalena  Magaalada Cabudwaaq  ay ku so rogeen badow ka bilaabanaya 11:30 am.

Dhacdada manta ka dhacday Dagmada Cabudwaaq ayaa daba socota anooyin qabiil oo Mudo soo jiray, waxaana degmadaasi ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug sanadihii la soo dhaafay.