Ciidanka Puntland oo fashiliyay weerar ka dhici lahaa Boosaaso

Ciidanka Ilaalada duqa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa fashiliyay weerar qorsheysan, oo la doonayay in xalay lagu qaado guriga duqa.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Maleeshiyaadka doonayay inay weerarka geystaan, kuwaas oo katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Daacish, kaddib markii ay Ciidanka Ilaalada guriga Guddoomiyaha ay dhaawaceen.

Wararka ayaa sheegaya in Ninka gacanta lagu dhigay haatan loo gacan galiyay Ciidammada Booliska Dowladda Puntland, kuwaas oo baaritaan ku haya dableydii kale ee weerarka geysan laheyd.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.