DEG-DEG: Dad shacab ah oo lagu laayay Degmada Caabud-waaq

Wararka ka imaanaya Magaalada Caabud-waaq ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada dad shacab ah uu ka dhacday Degmadaas.

Weerarka oo salka ku haya aano qabiil ayaa waxaa ku geeryooday 2 Ruux, kooxdii geysatay ayaana isaga baxsaday goobta.

Ciidanka Amniga ayaa ku raadjooga Kooxda dilka geysatay, Wararka ayaana intaas ku daraya in xaalada Degmada Caabud-waaq ay saaka kacsan yahay.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.