Duqa Gaalkacyo oo ku fashilmay howlihii loo igmaday & xaalad adag

Duqa Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Saahid Seyn, ayaa la daalaa-dhacaya Maamulka Degmada, isagoona ku guuldareystay wax ka qabashada shaqooyinkii Dowladda Hoose, gaar ahaan Arrimaha Bulshada, sida Nadaafadda oo ah saldhiga Caafimaadka Bulshada.

Ku dhowaad 10 maalmood waxaa Goobaha muhiimka ah ee Magaalada Gaalkacyo dhexyaalla biyo madoobaaday, kuwaas oo sababay xaalad Caafimaad oo laga dareemay Guud ahaan Magaalada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah Ruux gacanta ku haya ama ka hortaagan la xisaabtanka ayaa ku guuldareystay inuu Saahid ku hago Wadada hormarka si Gaalkacyo ula jaanqaado Magaalooyinka kale ee Puntland, sida Garoowe, Boosaaso iyo Qardho, isagoona ka doorbiday $10 kun oo dollar oo uu duqa fashilmay u dhigo Akoonkiisa, taas oo looga jaro Miisaaniyada Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo.