Maxkamadda Ciidanka Puntland oo u fariisatay Kiiska Rag katirsan Daacish

Maxkamdda Ciidanka qalabka sida iyo Dambiyadda culus ee Dowladda Puntland ayaa maanta u fariisatay Kiiska Abshir Toshle oo ahaa Madaxii dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Boosaaso u qaabilsanaa Kooxda Argagixisada ah ee Daacish, iyo 2 Nin oo la shaqeynayay oo mid kamid ah uu ku dhintay howlgal ay fuliyeen Ciidanka PSF-ta Puntland.

Shabakaddan oo ka dambeeyay dilalka dad ka badan 25 Ruux oo Reer Puntland ah, isuguna jiray Ganacsato, Ciidan, Nabaddoono iyo Dad shacabka ah, ayaa Ciidanka PSF-ta Puntland gacanta ku dhigeen 09/May/2020, xilli ay qorsheynayeen inay weerar ka fuliyaan Magaalada 17 bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay.