Shaqaale ka socda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo booqday Wasaaradda Maaliyadda Puntland (Sawirro)

Shaqaale katirsan Xafiiska xisaabaada Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa saaka booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, iyadoona uu kusoo dhaweeyay Xisaabiyaha Guud ee Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan.

Haw-lwadeenada Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda fadaralka Iyo Dawladaha xubnaha ka ah oo Garoowe u jooga tababarka ku saabsan ICGFM 
(International Consortium on Governmental Financial Management), ayaa u booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ka faa’ideysiga qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska Xisaabaadka Puntland, hirgalinta Singal Treasary  Account (TSA) iyo dhaman marxaladihi uu soomaray Xafiska Xisabadka guud ee Dowladda Puntland, maadama Puntland ay jirtay 21 sanno.

Xisaabiyaha Guud ee Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan, oo soo dhaweeyay Shaqaalaha, ayaa muujiyay muhiimada ay lee dahay wada shaqeynta iyo is dhexgalka Xafiisyada Xisaabaadka Guud ee DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, isagoona sheegay inuu rajeynayo in la xoojiyo.