VIDEO: Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabelle oo lagu dhawaaqay

Guddiga farsamada iyo dhismaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xalay saqdii dhexe ay ku dhawaaqeen liiska Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas o xulistooda maalmihii la soo dhaafay ay socotay.

Xildhibaannada lagu dhawaaqay oo tiro ahaan gaaraya ilaa 90 Xubnood, kuwaas oo u badan Dhalinyaro, waxaana soo xulay Odayaasha Dhaqanka ee degaannada Hir-Shabeelle.