VIDEO: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ?

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulankoodii 4-aad ee Kal-fadhigga 47-aad ee Golaha ku yeeshay xaruntooda Garoowe. Ajandaha kulanka ayaana ah soo jeedinta Warbixinta Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland, mudadii u dhexeysa Labada kal-fadhi (46-aad & 47-aad), waxaana mudanayaasha kahor jeediyay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilladd Dowladda Puntland Cabdirisaaq Xidig Warsame.