XOG-WARAN: Puntland oo marti galinayso Musharixiin hails ku ah jiritaankeeda

Fihiima Yuusuf Quuje waa Gabar udhalatay beesha Jaamac Syaad reer Warsame, waxaana dhalay Yuusuf Quuje oo ahaa sarkaal Ciidamada Puntland ahaa markii danbena u diga rogtay Somaliland.

Gabadhan waxay ka tirsanaan jirtay Golaha deegaanka ee Laascaanood,iyadoo ahayd Xubin aad u fir-fircoon oo Somalilander-ah, in kastoo mar danbe ay iskeed isaga casishay.

Haddaba wakhti xaadirkan waa xubin u tartamaysa Aqalke hoose ee golaha Shacabka Dawlada Fadaraalka Somaliya.

Ujeedadu waxay tahay in Puntland ay fiiro gaar ah siiso Gabadhan iyo kuwa la midka ah si aysan beri khatar ugu noqon isla Puntland.

Ma’baadiidu maaha wax la bad badalo!!

Puntland waa in ay ka fiirsataa cida ay Xamar udirayso ka hor doorashada waa in ay baartaa taariikhda Qofka isa sharaxaya!!

Jibril Qoobey.