Yaa keenay dhaqaalaha mooshinkii fashilmay ee ka dhex jiray Baarlamaanka Puntland ?

Batuulo Gabale oo ka mid ah Gudoomiyayaasha Ururada Haweenka ee Muqdisho ka jira,ayaa loo adeegsaday Mooshinkii fashilmay ee Baarlamaanka Puntland.

Batuulo ka faa’idaysanaysa xushmad badan oo looga hayo Puntland,ayaa Gaalkacyo kasoo degtay kadibna Gaari ku gashay Garowe.

Batuulo waxay siday Lacag ka timid Fahad Yaasiin oo loogu talagalay in Baarlamaanka Puntland lagu kala jabiyo.

Qorshaha koowaad waxuu ahaa in Gudoomiyaha Mooshin laga keeno,balse waa dhaqaaqi waayay kadibna waxaa la abaabulay Mooshin ka dhan ah labada Gudoomiye ku xigeen.

Dadaal la galay waxaa lagu guulaystay ugu danbayn Xalay in la fashiliyo isku dayga Mooshinada iyo qorshihii Xamar.

Ujeedka Mooshinadan,ayaa ahaa in dhabarka laga jabiyo qorshaha doorasho ee Dowlada Puntland lana kala daadiyo Baarlamaanka.

Batuulo,iyadoon cidna ogaan waxa dhabta ah ee ay u timid ayay dib ugu laabatay Xamar 4-beri oo ay Puntland ku sugnayd kadib.

Jibril Qoobey.