Ethiopian Airlines oo qarka u saaran inay joojiso duulimaadyada Garoowe

Ethiopian Airline waxay ku hanjabtay in ay joojinayso Duulimaadkeeda Garowe.

Hanjabaada Shirkada ka timid waxaa ka horeeyay cabasho isdaba joog ahayd oo ay kasoo gudbinayeen maamulka Garoonka M.Abshir ee Garowe.

Arimaha ugu weyn ee ay Shirkadu ka cabanayso,waxaa ka mid ah…

1.Dad Pasport bug ah ku safraya,kuwaasoo si fudud uga soo gudbaya imigration-ka Garoonka Garowe laguna qabtay Adis-ababa,waxayna gaarayaan labadii bilood ee ugu danbeeyay 14-Qof.

2.Nadaafad xumo iyo dayac kale oo ka jira Garoonka oo ay aad udhibsatay Shirkadu.

Dhanka kale Shacabka isticmaala Diyaaradaha Ethiopian Airlines ee ukala goosha Garowe iyo Adis,ayaa ka cabanaya Sadex Arimood oo soo noqnoqday….

1.Kasoo tagida Boorsooyinka Rakaabka oo Duulimaad walba dhaca.

2.Diyaarada hada samaysa Duulimaadyada oo aan haysan Leesin cusub oo ay ku duusho iyo Caymis.

3.Diyaarada oo si masuuliyad daro ah loo soo saaro Rarka ilaa mararka qaarkood uu diido Duuliyuhu in uu kiciyo.

Dadkii ugu danbeeyay ee soo raacay waxay ii xaqiijiyeen in qolada Raadaarka Garoonka Garowe ay mudo muran dhexmaray iyaga iyo Shirkada,kaasoo ku aadanaa Leesinka ka dhacsan Diyaaradooda.

Wasiirkii Duulista waxuu ku mashquulsan yahay Ururka KAAH socodsiintiisa.

Agaasimihii Guud waxuu ku jiraa olale Xildhibaan heer Fadaraal.

Madaxweyne Deni ilaa laba jeer ayay gaartay cabashada arintan wax talaaba muuqata oo uu qaadayna majirto!!

Allow adaa umaqan?