Xildhibaan Cali Gaab oo lagu xiray Imaaraadka Carabta

Xildhibaan Cali Gaab oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ee waqtigoodu gaba-gabada yahay, ayaa waxaa lagu xiray dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii laga waayay Warqadii CoronaVirus.

Ciidammada gaarka ah Imaaraadka carabta ayaa saqdii dhexe ee xalay kala baxay Cali Gaab Hotelka uu ka degaana Magaalada Dubai, Wararka ayaana sheegaya in meel Karantiil ah la geeyay oo lagu hayn doono 15-cisho.

Sidoo kale, Wararka ka imaanaya Dubai ayaa sheegaya in xanuunka COVID-19 laga helay Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Abwaan iyo Isimo reer Puntland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa xalay gaaray Dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo maalmaha soo socda u ku gali doono kulamo.