Daraasadda laga sameeyey Xuduudaha degmooyinka Puntland oo la ansixiyay (VIDEO)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Musadaq Maxamed Musadaq, ayaa magaalada Garoowe ka daah-furay Kulanka Ansaxinta Daraasadda laga sameeyey Xuduudaha ee Degmooyinka Puntland.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa waxaa kasoo qeyb-galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka, Gobaladda, Xoghayaasha Dawladdaha Hoose, Isku-duwayaasha Gobalada, Masuuliyiin katirsan Dawladda Puntland, Bahwadaagta Wasaaradda, la-taliyayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Ugu dambeyntii, Kulanka ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey Daraasadda laga sameeyey Xuduudaha ee Degmooyinka Puntland.