Jubbaland oo Kismaayo ka dhiseysa xabsi weyn

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbalaand ayaa kormeer shaqo ku tagay halka dhawaan laga dhisi doona xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo.

Kormeerkaan ayaa daaranaa sidii loo baadhi lahaa cabirka uu ku fadhiyo booska la rabo in laga dhiso dhismaha xabsiga, kaasoo lagu wado in si toosa loo guda galo dhismihiisa sanadka cusub ee foodda inagu soo haya haddii lagu guuleysto baadhitanka la marin doono.

Dhismaha xabsiga ayaa waxaa Dowlad goboleedka Jubbalaand ka caawin doonta Hay’adda UNOPS, taasoo dhawr xarumood oo kale kasoo hirgalisey Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Puntland.

Maxamed Caaqil Xirsi Taliyaha xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo ayaa dhankiisa bogaadiyey dardarta xooggan ee uu ku socdo ka hawlgalidda dhismaha Xabsiga kaasoo uu sheegay in waddooyin badan loo soo maray hirgalintiisa.