Mooshin dib ugu soo cusboonaaday Baarlamaanka Puntland.

Lacagtii ay keentay Batuulo Gaballe waxay gacanta ugashay Xildhibaano koox ah oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xaaji-waal,Saadiq Abshir Garaad,Cabdiraxmaan Shiikh,Siibad iyo Xildhibaano kale oo isku noqonaya 12,ayaa Mooshin abaabulaya.

Isku daygoodii hore waa laga hawlgalay,waana la fashiliyay Xildhibaano badana waa laga reebay.

Dib ayay isku soo abaabuleen Khamiistii ilaa Jimcihii maanta waxayna isku dayayaan maalinka beri foog ah Mooshin in ay keenaan Golaha.

Qorshahan waxuu ka yimid Fahad Yaasiin waxuuna lahaa Afar waji oo kala ah…..

1.In Lacagta la gaarsiiyo Gudaha Puntland.

2.In Labada ku xigeen ee Baarlamaanka xilka laga qaado oo booskooda la gaysto laba ku xiran Fahad.

3.In Gudoomiyaha Baarlamaanka Mooshin laga keeno.

4.In Golaha Wasiirada Puntland Kalsoonida lagala laabto halmar.

Afartaas Qodob oo isku xigxiga,ayaa Xamar laga soo dhiibay.

Ujeedka Fahad Yaasiin waa in qorshaha Puntland ee Doorashada Xildhibaanada Fadaraalka la burburiyo ama khalkhal lagaliyo.

Sidoo kale ugu yaraan hadii qorshayaashaas hirgeli waayaan in Puntland laga jeediyo ciyaarta ka socota Xamar,Baydhabo iyo Jowhar.

Dowlada Puntland waa in aysan dhayalsan hawlaha socda talaabana ay qaadaa.

Shacabka Puntland waa in ay feejignaan muujiyaan lana shaqeeyaan Dowlada oo ay badbaadsadaan Dhulkooda,Hantidooda iyo nidaamkooda!!

Jibril Qoobey.