Puntland oo buufinta Ayaxa weli ka wada deegaanadeeda (Sawirro)

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane,Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa kormeer kutagay degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal halkaas oo ay soo eegeeyeen xaalada Bacaadka kudhow magaalada Godobjiiraan oo horay wasaaraddu ugu soo samaysay qiimayn kusaabsan xaalada bacaadka.

Waftigu waxay sidoo kale kormeer kutageen beeraha magaalada Godobjiiraan oo kamid ah degmooyinka caanka ku ah wax soosaarka waxaana halkaas ka socotay shaqo ay waday wasaaradda oo kusaabsan buufinta Ayaxa oo ay wasaaraddu mudooyinkii dambe ku mashquulsanayd.