VIDEO: Abaal-marino la guddoonsiiyay saraakiisha Booliska Gobalka Bari

Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa bilado iyo abaalmarino gudoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada booliis oo isugu jira saraakiil iyo askar booliis kuwaasoo ku mutaystay shaqooyinkii howlgaladii iyo baaritaanadii lagu guulaystay ee horseeday amniga guud ee Gobolka Bari iyo kan Magaalada Boosaaso.

Xaflada abaalmarinada ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan xukuumada Dowlada Puntland oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Mamulka Gobalka Bari Kan Dagmada Bosaaso saraakiil kala gadisan oo ka mida ah qaybaha ciidamada Booliska.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa kula dardaarmay Ciidamada in ay sii laba jibaaraan shaqooyinka ay shacabka iyo dalka u qabtaan si loo helo bulsho horumarsan waxaana uu Taliye xuseen u sheegay in ciidamada guta waajibaadkooda iyo kuwa qabto howlo dheeraad ah la dalacsiin doono abaalmarino kalan ay heli doonaan,