Baarlamaanka Puntland oo Warbixino ka dhageystay qaar kamid ah Golaha (VIDEO)

Fadhiga 6-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa la gudo-galay qodobka 2aad ee Ajandaha oo ka hadlaya Warbixinnada Guddiyadda Golaha Wakiillada.

Ugu horeyn waxaa si rasmi ah u furay Fadhiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, ka dibna waxaa la gudo-galay soo-jeedinta Warbixinadda Guddiyadda.

Fadhiga maanta oo qorshaha ayaa inay 6 Guddi soo jeediyaan ayaa waxaa soo jeediyay 5 Guddi oo kala ah;

  1. Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose & Horumarinta reer Miyiga.
  2. Guddiga Amniga & Nabadgelyadda.
  3. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.
  4. Guddiga Anshaxa Iyo Arrimaha Golaha.
  5. Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka.

Maalinta berri ah ayey Guddiyada kale bilaabi doonaan soo jeedinta Warbixinadda.

Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ka kooban 10 Guddi.